Monday, April 29, 2024

{DAAWO MUQAALKA} AS oo dishay Macalin Dugsi Qur’aan oo diiday amarkooda iyo bixinta lacag

Talaado -26-March-2024 {HMC} Al Shabaab ee ka dagaallanta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen macalin dugsi Qur’aan ku hayay deegaan dhaca duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Macalinka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdulqaadir Xasan Ilkacase ayaa maalmo kahor Al Shabaab ka afduubteen deegaanka uu dugsiga ku hayay, waxaana macalinka la sheegay in uu diiday bixinta lacago baad ah iyo in uu tago deegaanno Al Shabaab maamulaan.

Telefishinka Qaranka oo soo xiganayay ehelada macalinka la dilay ayaa sheegay in sababta macalinka u dileen Al Shabaab uu yahay in uu ka biyo diiday in uu siiyo lacago baad ah ,sidoo kale tago deegaan ay maamulaan oo looga yeeray.

Al Shabaab ayaa inta badan ganacsatada iyo dadka kale ee lacagaha ka rabaan iyo kuwa lasoo dacweeyo uga yeera deegaannada ay maamulaan, waxa ayna inta badan handadaan ama dhibaateeyaan qofkii ka biyo diida amarkooda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS