Talaado 12 May 2026 {HMC}Â Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia oo uu ka aloosan yahay khilaaf la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.
Siciid Deni, ayaa Muqdisho kaga qaybgeli doona ay garwadeen ka yihiin wakiilada beesha caalamka una dhexeeya Madaxda Dowladda Federalka ah ee Somalia iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka oo uu ugu horreeyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Shirka oo loo balansan yahay inuu ka qabsoomo xayndaabka Xalane ayaa looga arrinsan doonaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay dhinacyadu heshiis u gaari lahaayeen kahor 15 May oo uu ku egyahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha beesha caalamka ayaa dhegaysan doona aragtida dhinacyada si laysugu keeno meel dhexdhexaad ah looguna khasbo inaysan markale ku kala tegin miiska iyadoo ujeedadu tahay in laga baaqsado in dalku galo qalalaase siyaasadeed.

