Talaado 12 May 2026 {HMC} Wasiirka cusub ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, oo maanta la dhaariyay ayaa shaaciyay inuu ka tanaasulay kursiga Xildhibaanimo, isagoo u hoggaansamay dhaqan galinta Dastuurka Dalka.
Go’aanka ayaa yimid ka dib markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka looga baaqay inay kala doortaan xilka Wasiirnimada iyo xubinnimada Baarlamaanka, si loo kala saaro hay’adaha fulinta iyo xeer-dejinta, loona dhaqangaliyo nidaamka dowladnimo ee ku dhisan isla-xisaabtanka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa May 6, 2026 xilka ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys oo xilka hayay tan iyo July 2022, isaga oo ka mid ah noqday wasiirradii ugu muddada dheeraa ee soo hoggaamisa wasaaraddaas.
Sida lagu sheegay magacaabista ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaraddaas loo magacaabay Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Mr. Qaasim oo laba jeer soo noqday Xildhibaan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadihii Rooble iyo Xamsa, iyo Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda NISA ayaa magacaabistiis hadal hayn badan ka dhex dhalisay bulshada dhexdeeda.
Dadka ayaa ku tilmaamay Wasiirka Cusub in magacabistiisa ay ku soo beegantay xilli ay u baahi qabtay dowladda oo wajahaysa dhaliil badan oo kaga imaaneysa mucaaradka iyo bulshada qaar oo laga barakiciyay dhulkii dowladda, kuwaas oo cabasho ka ah ganacsto la wareegto dhulkii ay dagnaayeen.
Cabdifitaax ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay Wasiir dhallinyaro ah oo aftahan ah, hadal yaqaan ah, kana soo muuqday marar badan doodadaha Baaralamaanka isaga oo difaacaya dowladda iyo shacabka.
Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre magacabista Mr. Qaasim ayuu ku sababeeyey codsi iyo talo soo jeedin kaga timid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si Xukuumadda loogu soo daro Wasiirka Qaasim.

