Talaado 12 May 2026 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa beenisay wararka sheegaya inay si toos ah u dhexdhexaadinayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, xilli uu muranka la xiriira doorashooyinka iyo kala guurka siyaasadeed sii xoogeysanayo.
Ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa sheegay in Washington aysan martigelinayn ama hoggaaminayn wax wada-hadal dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda dalka.
Davis ayaa sheegay in Mareykanku muddo wadahadallo la lahaa labada dhinac si uu u fahmo xaaladda taagan, balse aanu door dhexdhexaadin rasmi ah qaadanayn. Waxa uu xusay in Washington ay soo dhoweynayso wada-hadal kasta oo dhex mara dowladda iyo mucaaradka, isagoo carrabka ku adkeeyay in mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya uu ku jiro gacanta shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaankooda.
Diblomaasigan ayaa sidoo kale sheegay in mowqifka Mareykanka uusan isbeddelin, islamarkaana ay taageersan yihiin xaqa ay Soomaalidu u leedahay inay go’aansato nidaamka doorashooyinka iyo nooca hoggaamineed ee dalka.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa horey u beenisay warar sheegaya in kulan siyaasadeed lagu qabanayo 13-ka May gudaha xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Dowladda ayaa sheegtay in aysan jirin wax faragelin ama dadaal dhexdhexaadin ah oo ay safaaraddu ku lug leedahay.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in safaaradda Mareykanka aysan diyaar u ahayn inay si toos ah uga qayb qaadato xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

