Sabti 9 May 2026 {HMC} Trump oo ku dhibaatoonaya dagaalka Iiraan, ayaa muddo ka dib beddelay mowduuca Iiraan, wuxuuna waxyar ka hor ku dhawaaqay inuu ku guuleystay Ruushka iyo Ukraine xabbad-joojin saddex maalin ah inay gaaraan, taasoo la xiriirta dabaal-degga Ruushka ee guushii uu ka gaaray dagaalkii labaad ee adduunka.
Trump, ayaa sidoo kale sheegay muddada lagu jiro xabbad-joojinta inay Ruushka iyo Ukraine is dhaafsan doonaan min 1,000 , labada dhinac oo ah maxaabiista dagaalka lagu qabtay.
Wuxuu yiri; “Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inay jiri doonto xabbad-joojin saddex maalmood ah (9-ka May, 10-keeda, iyo 11-keeda) ee dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.” Intaa wuxuu ku daray;
“Dabaaldegga ka socda Ruushka wuxuu la xiriiraa Maalinta Guusha, balse sidoo kale Ukraine ayay quseysaa, maadaama ay iyaguna qayb weyn oo muhiim ah ka ahaayeen Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Xabbad-joojintan waxay ka koobnaan doontaa joojinta dhammaan howlaha militari ee tooska ah, sidoo kale waxaa jiri doona is dhaafsi min 1,000 maxbuus oo labada dal kala hayaan.”

