Xaaladda gobolka Bariga Dhexe ayaa mar kale sare martay saacadihii u dambeeyay, ka dib toddobaadyo la isku dayay in wadaxaajood lagu dejiyo colaadda.
Hadda, waxaa mar kale jirta suragalnimo dagaal dib uga qarxi karo gobolka, waxaana weerarro hordhac ah fulisay Iiraan oo beegsatay maraakiibta Mareykanka iyo mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan shidaalka Imaaraadka Carabta.
Sare u kacan , waxaa ka dhashay markii Trump uu sheegay ciidanka Mareykanka inay ka fulinayaan marin-biyoodka Hormuz, howlgal maraakiibta ganacsiga ee ku xanniban u suragelinaya inay ka gudbaan, markaa Iiraan ayaa dhankeeda soo saartay digniin ay ku sheegtay markab kasta oo isku daya inuu ka gudbo Hormuz, iyadoo oggolaasho aan laga heysan inay si xooggan u weerarri doonaan, iskudaygii u horreeyay markab Imaaraadka uu leeyahay ayaa sameeyay, kaasoo markiiba weerar kala kulmay Iiraan.
Iiraan , intaa kuma aysan joogsan waxay makhribnimadii caawa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Imaaraadka oo ay ku jirto warshadaha shidaalka ee Fujairah, iyadoo weerarradan loo qaadanayo farriin ay Iiraan ku sheegayso jebin kasta oo xabbad-joojinta inay yeelanayso cawaaqib lagu beegsanayo xarumaha tamarta gobolka, marka la weeraro Iiraan, tallaabada oo laga doonayo in cadaadis lagu saaro awoodda dalalka gobolka ee dhoofinta shidaalka iyo gaaska.
Ka dib weerarrada Iiraan ee ka dhacay gudaha Imaaraadka Carabta, waxaa soo baxay warsaxaafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ay ku sheegtay inay ka jawaabto.
Waxaa kaloo suragal ah weerarkan inuu Imaaraadka isku dayo inuu ku riixo jawaab wadajir ah oo ka timaada dalalka Khaliijka kadib dhacdooyinkan.
Si kastaba ha ahaatee, aragtidayda dalalka Khaliijka guud ahaan waxay ka caga jiidi doonaan inay si toos ah ugu lug yeeshaan dagaalka, maadaama ay fahamsan yihiin in khilaafkan uusan ahayn mid ay iyagu leeyihiin, isla markaana ay horeyba u bixiyeen qiimo dhaqaale oo culus.
Docda kale, sida ay baahisay Al Jazeera, sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay in Iiraan ay tahay ilaaliyaha marin-biyoodkan istaraatiijiga ah ee gobolka.
Waxa xiiso leh in saacaddii la soo dhaafay, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi uu kulan la yeeshay baarlamaanka, isla markaana uu sheegay, sida ay warbaahinta gudaha soo werisay, in “la diyaarinayo hab lagu maareeynayo marin-biyoodka Hormuz.
”isagoo intaa ku daray ; “Marinku dib uguma noqon doono sidii hore, maraakiibta cadowga ahna lama oggolaan doono inay ka gudbaan.”
Ugu dambeyntii, isku dayga Mareykanka uu hadda sheegayo ee ah inay ilaaliyaan oo hagaan maraakiibta ka baxaya marin-biyoodka Hormuz wuxuu aad ugu egyahay xeelad uu Mareykanku hore u adeegsaday xilligii dagaalkii khaliijka, balse is beddelku waa in shirkadaha caymiska aysan oggolaan doonin in maraakiibta ay maraan iyada oo aan wax difaac ah jirin, isla markaana tallaabada Mareykanku ay la mid tahay wixii ay sameeyeen intii u dhaxaysay 1981 ilaa 1988, markaas oo ay ilaalinayeen maraakiibta shidaalka ee Kuwait.
In kasta Mareykanka uu sheegay inaysan jiri doonin wax ilaalin maraakiib ah , hadana Iiraan ayaa waxyar ka hor sheegtay inay weerartay maraakiibta dagaalka Mareykanka oo dansaday raadarka la socodka dhaqdhaqaaqa oo ku soo dhawaaday marin-biyoodka Hormuz.
