Baxrayn oo sii say Jinsiyada Dalkeeda, Nin ay dhawaan Kuwait kala laabatay jinsiyadiisa.

Boqorka dalka Baxrayn,Hamad bin Isa Al Khalifa ayaa jinsiyada Baxrayn siiyay, isla markaana la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Baxrayn u magacaabay diblomaasiga Badr Mohammed Al-Awadi oo isagoo ah safiirkii Kuwait u fadhiyay Ingiriiska, dhawaan ay Kuwait kala laabatay jinsiyadiisa ,

taasoo ka dhigtay safiirkii u horreeyay oo isagoo shaqada ku jira dalkiisa uu jinsiyada kala laabtay, muddo ku dhow afar biloodna dal la’aan ahaa, sida uu maanta baahiyay wargeyska Al-Araby al-Jadeed.

Bishii Jannaayo ee sannadkan 2026, ayaa go’aan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kuwait , waxaa lagu sheegay Badr Mohammed Al-Awadi ,

in jinsiyadii lagala laabtay, ka dib markii la sheegay Aabbihii oo ahaa sarkaal sare oo amni oo geeriyooday , in horey wax is daba marin sharci uu u sameeyay, taana uu ku lumiyay xuquuqdiisa dhalasho,

balse Baxrayn oo ka faa’iideysanaysa khibrada Al-Awadi, ayaa maanta si rasmi ah jinsiyada u siisay , halka loo magacaabay darajo ka sarreysa xil kasta oo horey uu uga soo qabtay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Kuwait.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

- Advertisement -spot_img