Dowlada Suudaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka iyo Itoobiya iney si buuxda ugu lug leeyihiin weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo shalay duhurkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magalada Khartoum.
Suudaan waxay sheegtay iney hayso cadaymo muujinaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadku ay kasoo kaceen garoonka magalada Bahardar ee caasimada gobolka Amxaarada, kadibna ay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Suudaan ee Khartoum.
Dowlada Suudaan waxay ku dhawaaqday iney jawaab milatari ka bixin doonto weerarkaas isla markaana ay xaq buuxa u leedahay iney difaacdo madax banaanida Dalkeeda.
