Trump oo qorsheynaya inuu booqasho ku tago Shiinaha bartamaha bishan May, ayaa la kulmaya cadaadis ka heysta dagaalka Iiraan oo booqashadiisa ay ku aadayso isagoo aan wax guul ah ka gaarin, xaaladaa oo la sheegay inay faa’iido badan siinayso hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, sida ay sheegtay CNN.
Warbaahinta kale ee Axios ayaa iyaduna baahisay inuu Trump dareemayo hooseyn, isla markaana uu isku dayayo ka hor kulanka uu la qaadanayo Xi, inuu dagaalka Iiraan ka raadinayo natiijo guul loo sawiri karo, taa oo haddii aysan dhicin Trump ka dhigaysa mid cod dhiirran la hortagi kara hoggaamiyaha Shiinaha oo doonaya inuu cadaadiska Trump ka haysta Iiraan uga faa’iideysto inuu Mareykanka beddelo mowqifka uu ku taageerro jasiirada Taiwan, iyadoo xataa mas’uuliyiinta Taiwan ay ka digeen in wadahadallada Trump iyo Xi ,
lagu soo daro mustaqbalka jasiiradan oo Shiinaha uu doonayo inuu la wareego.
Haddaba xaaladan bahdil uu Trump u arko ma ku riixi karta inuu weerar cusub ku qaado Iiraan?
Waxaan taas ku eegayna dhaqdhaqaaqyada militari, khudbadaha, warbixinnada warbaahinta iyo xogaha sirta ah ee soo baxaya.
Isku darka , arrimaha soo baxay 48 saac ee u dambeysay ayaa muujinaya in Mareykanku dejiyay qorshe cusub oo leh ujeeddooyin ka duwan kuwii hore.
Waxaa dhacday maalmihii u dambeeyay inuu Mareykanka si deg deg ugu diray Bariga Dhexe nidaamyo difaac iyo hub qiimahoodu gaarayo 8 bilyan oo dollar , taasoo aan loo qaadan karin arrin iska dhacday.
Laba maalmood ka hor, waxaan daawaday khudbad uu jeediyay Trump, sidii caadada ahaydna wuxuu ku celceliyay hadalkiisii caanka ahaa ee dagaalka ku saabsanaa.
Laakiin waxaan aaminsanahay in Trump hadalkaas ku dhex dusiyay xog sirdoon.
Waxa ugu muhiimsanaa ee uu yiri waxaa ka mid ahaa:
“Dagaalka ka hor dhaqaalahayagu wuu fiicnaa, shidaalkuna wuu hooseeyay ilaa uu gaaray laba dollar.
Waxaan iri aan tago oo aan shaqo ka qabto dalkan… ma garanayo, laga yaabee inaad igu tiraahdeen waad waalan tahay ama wax la mid ah.
Dagaalka sabab baa loo galay… marka dagaalkani dhammaadana, wax walba qiimahoodii ayay ku soo laaban doonaan.Xitaa shidaalku si weyn uma kicin sidii aan filaynay.
Iiraan ma aysan noo soo bandhigin dalabkii aan rabnay,arrintan si fudud kuma soo afjari doonno. Iiraan mar walba waxay dunida ku handadi jirtay Hormuz.
Ma ogolaan doonno in tani mar kale dhacdo.
Mana ogolaan doono in dad waalan ay yeeshaan hub nukliyeer ah.
Shaqadan kama tagi doonno annaga oo aan dhammeystirin… haddii aan sidaas uga tagno, saddex sano kaddib mar kale ayay hortayada iman doontaa.”
Hadalladan oo loo qaadan karo in Mareykanku hadda qorsheynayo howlgal militari oo gaaban oo degdeg ah.
Waxayna u muuqataa in ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay in marinka Hormuz lagu furo awood militari.
Iiraan waxay ka hortagi kartaa in howlgal noocaas ah dhaco oo keliya haddii ay bixiso tanaasul lagu qanci karo, kaas oo Trump uu u suuqgeyn karo inuu yahay guul.
Hadallada Trump-na waxay muujinayaan in Iiraan ilaa hadda diidan tahay inay Trump siiso tanaasulkaa.
