Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga difaaca.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul kulan laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Yaşar Güler, intii uu ka qeybgalayay bandhigga warshadaha difaaca ee SAHA 2026.

Wasiirada ayaa kulankoodii Istanbul markale ku adkeeyay in la sii xoojiyo iskaashiga difaaca, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa daba socday heshiisyo hore oo dhinaca difaaca ah oo labada dal kala saxiixdeen.

Wadamada Soomaaliya iyo Turkiga waxay Ankara ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac iyo dhaqaale ah oo soconaya 10 sano, kaas oo diiradda saaraya dhismaha, tababarka iyo qalabaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan awoodda ciidamada badda si loo ilaaliyo xeebaha dalka, loogana hortago kalluumaysiga sharci darrada ah, burcad-badeedda iyo khataraha kale ee badda.

Heshiiskaas waxaa horay ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya 2024, halka Turkiguna uu bishii Luulyo 2024 kordhiyay joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya si loo sii wado tababarka, taageerada amniga iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa haatan ku howlan howlgal shidaal looga soo saarayo xeebaha Soomaaliya, kaasoo la filayo in 9 bilood kaddib la soo saaro shidaalkii ugu horreeyay oo Soomaaliya ay leedahaay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Markab ay lee dahay Dowladda Faransiis oo lagu weeraray meel u dhow Dubai.

Markab ay lee dahay Dowladda Faransiis ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray meel u dhow Dubai sida uu baahiyay Telefishanka CBS ee Maraykanka...
- Advertisement -spot_img