Madaxweynaha Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré,ayaa qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.
Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inuu sidaa farriin rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo loo diray dhiggiisa Burkina Faso,Kabtan Ibrahim Traoré.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, oo uu wehlinayay dhiggiisa dalka Burkina Faso, ayaa sheegay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Wuxuu xusay in Burkina Faso iyo Soomaaliya ay wadaagaan caqabad isku mid ah oo ah argagixisada, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tababarrada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka, iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga.

