Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Difaaca Soomaaliya iyo Suudaan?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun, intii uu socday Bandhigga Caalamiga ah ee Difaaca iyo Hawada oo ka qabsoomay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo xoogga lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa xiriirka dhinaca milatariga iyo amniga.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Suudaan ayaa isweydaarsaday khibradaha la xiriira la dagaallanka kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada ee ka jira labada dal, gaar ahaan in la iska kaashado dhinacyada tababarrada, sirdoonka, iyo xeeladaha lagu daciifinayo kooxaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Suudaan ay wadaagaan caqabado ammaan oo isku mid ah, ayna lama huraan tahay in la isku dhafo aqoonta iyo khibradda ciidan si looga guuleysto cadawga ka soo horjeeda nabadda iyo horumarka Labada Shacab.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun, ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ay kula AS, isagoo xaqiijiyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta garab istaagga ay siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Ugu dambayn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad, iyadoo labada wasiir ay ballan-qaadeen inay sii joogteyn doonaan xiriirka iyo wadatashiyada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

WAR DEG DEG AH Mareykanka iyo Iiraan oo ku dhaw in ay Heshiiyaan.

Ilo wareedyo ka tirsan Dowladda Bakistaan ​​ayaa xaqiijiyay in Mareykanka iyo Iiraan ay ku dhow yihiin in ay ku heshiiyaan qoraal hal bog ah...
- Advertisement -spot_img